Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gobol ka tirsan dalka India oo Dumarka ka mamnuucay lebiska Xijaabka Islaamka

Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa xukuntay in xijaabku aanu ahayn qayb muhiim ah oo ka mid ah diinta Islaamka”, taasoo ah kiis saamayn ku yeelan kara guud ahaan dalka.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhowr jeer oo hore uu muran ka dhashay arrinta xijaabka oo socday muddo bilo ah.

Kiiskaan ayaa gaaray maxkamada sare kadib markii koox dumar ah oo muslimiin ah ay gudbiyeen codsi ay ku cadeynayaan in dastuurka Hindiya uu u damaanad qaadayo xaqa ay u leeyihiin inay xirtaan xijaabka.

Maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas, iyadoo sheegtay in maamulka gobolka uu xaq u leeyahay in uu ardayda ku soo rogo dareys isku mid ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale xoojisay go’aankii hore ee dawladda ee mamnuucayay xirashada xijaabka ee goobaha waxbarashada.

Go’aankan ayaa ka careysiiyey haweenka muslimiinta ah ee ku nool gobolkaas, iyagoo ku tilmaamay mid xad gudub xuquuqda diimaha ee dalkaas ee dastuurku damaanad qaaday, waxayna xuseen iney qaban doonaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan

https://www.youtube.com/watch?v=WmTPr1fIxDQ

Related posts

Khayre oo labo qodob ka dalbaday odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Maraykanka oo Kabul ku duqeeyey gaari qaraxyo laga soo buuxiyey

Caydiid Ali

Akhriso: Qodobo lagu yareyn karo saameynta abaaraha Somalia ku soo laalaabta oo la soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---