Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Saldhig Milatari ka dhax raadinayay Donald Trumo oo la xiray laguna helay dambi

Ciidamada booliiska dalka Britain ayaa xabsiga dhigay darawal la sheegay in uu cabsanaa, kaa oo saldhig milatariga Mareykanka ku leeyihiin gobolka Suffolk ee dalka Britain ka dhax raadinayay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Ninkan cabsanaa ayaa tagay albaabka laga galo saldhiga milatari ee RAF Mildenhall, waxa uuna ciidamada Mareykanka ee halkaasi joogay weediiiyay Donald Trump, milatariga Mareykanka ayaana ninkan ugu yeeray booliiska Britian oo markii dambe xiray ninkaasi.

War kasoo baxay booliiska Britain ayaa lagu sheegay in ninkan uu raadinayay Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump oo horey saldhigaasi mar u booqday intii uu Madaxweynaha Mareykanka ahaa.

Booliiska Britain ayaa xabsiga dhigay ninkan baadigoobka ugu jiray Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka , waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan lagu helay dembi ah inuu jebiyay sharciga u degsan khamriga ee Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WmTPr1fIxDQ

Related posts

Dowlada Somalia oo amar ku soo rogtay Bankiyada lacagaha loo dhexmariyo Al-shabaab

Caydiid Ali

Maxaa kasoo kordhay kiiska Axmed Rashiid oo mar kale la soo taagay Maxkamad?

Caydiid Ali

Kunteenar ay ka buuxaan Dhalooyin Khamri oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---