Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Masuuliyiin Mareykan ah (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Kulanka la qaatay masuuliyiin  ka kala socday, wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanka, hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee u qaabilsan Maraykanka (USAID), iyo Wasaaradda Difaaca.
 
Kulankan dhax maray Madaxweynaha Somaliland iyo saraakiisha Mareykanka Waxaana  lagaga wada hadlay xoojinta iyo dardar-gelinta xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka, iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo horumarka ee danta u ah labada dhinac.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sidoo kale la ballansan saraakiil kale oo katirsan dowladda Mareykanka ,kuwaa uu doonayo in uu ka iibiyo qadiyadda gooni u istaaga maamulka Somaliland.
Dowladda Mareykanka ayaa u aqoonsan maamulka Somaliland qeyb kamid ah Soomaaliya, lamana oga waxa uga hirgali doono ujeedka Madaxweynaha Somaliland iyo wafdiga la socda u tageen dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WmTPr1fIxDQ

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/Dibadda Somalia & danjire Kate Foster? (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Nooca Doorasho ee lagu go’aamiyey Shirkii Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Masuliyiinta Galmudug oo markii ugu horeysay kulan ka soo muuqday iyagoo Mideysan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---