Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorasho adag oo caawa ka socota Baladweyne iyo Shan Musharax oo ku hardamaya

Doorashda Kursiga golaha shacabka ee tirsigiisu yahay HOP004 oo ay ku tartamayaan shan musharax ayaa caawa ka socota magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Doorashada kursigan oo ah mid furan oo loolan adag loogu jiro ayaa waxaa ku tartamaya shan musharax oo kala ah:-

  1. Abdi Dahir Cismaan
  2. Abdinasir Xaaji Shirwac maxamed.
  3. Bilan Bile Maxamed
  4. Faarax Salaad dharaar.
  5. Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in la guda galay wareegii labaad ee doorashada oo ay iskugu soo hareen labadii musharax ee ugu codadka badnaa wareegii hore oo kala ah Marwo Bilan Bile oo heshay 35 & Abdinaasir Shirwac oo helay 39 cod.

Related posts

Waceysle iyo Abakar oo heshiis ka gaaray rag ay kala qafaasheen

Cabdi Cade

Deeq Waxbarasho oo loo soo bandhigay Ardayda Dugsiga sare ee dalka ka baxday

Cabdi Cade

Xagee u Socotaa Itoobiya , Maxaasa ku dhacay Nabadoonkii Geeska Afrika ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---