Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo sheegay talaabo uu qaadayo haddii doorashada beri la soo afjari waayo

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry André ayaa soo shaaciyey talaabooyinka ay qaadayaan hadii maalinta beri ah aan la soo dhameytirin doorashada xildhibaanada harsan ee golaha shacabka.

Beri oo taariikhdu ku beegan tahay 15ka Maarso waxaa ku eg mudadii ay golaha wadatashiga Qaranka u qabteen in lagu soo afjaro doorashada xubnaha golaha shacabka.

Larry André ayaa xusay iney jiri doonaan shaqisyaad hor leh oo ay ku dari doonaan liiska dadka  laga xanibayo dalabka dal ku galka Mareykanka ama laga joojin doono helitaanka Fiisooyinkii horey ugu dalbanaa.

“Haddii aan la xurmeynin waqtiga kama dambaysta ah ee lagu heshiiyey in doorashada golaha shacabka la soo afjaro oo ah 15- Bishan, waxaan mar kale liiska ku dari doonaa magacyo cusub oo ka mid ah dadka laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka,” ayuu yiri danjire André.

Doorashada xubnaha cusub ee golaha shacabka ayaa Illaa hadda waxaa ku soo baxay 225 xildhibaan, waxaana dhiman 50 kursi si loo dhameystsiro 275 xubnood ee Aqalka Hoose.

Related posts

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka iyo masuuliyiin kale (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Raisul Wasaare Xamse oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Mostafa Madbouly

Caydiid Ali

Qaraxyo ka dhacay Buulo Burte iyo Jalalaqsi iyo Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---