Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Gorgor oo gacanta ku dhigay rag la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo dhallinyaro ah oo ciidamada sheegeen in ay katirsan yihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Gorgor ayaa sheegay in howlgalkan ay ku qabteen xubnahan katirsan Al Shabaab ka fuliyeen deegaanka Bariire iyo duleedkeeda, waxaana xubnahan sheegeen in ay kusoo qabteen xog ay heleen.

Saddexdan nin ay soo bandhigeen ciidamada Gorgor ayaa magacyadooda lagu sheegay  Cabdifataax Maxamed oo qaabilsanaa sameynta qaraxyada,Cusmaan Cumar oo qaabilsanaa dhanka sahanka iyo Aadan Macalin Siraaj oo isna qaabilsanaa aruurinta zakada.

Saraakiisha ciidamada Gorgor ee soo bandhigay xubnahan ay qabteen ayaa sheegay in ay ku socdaan baaritaano la xariira kiisaska loo heesto, waxa ayna cadeeyeen in cadaaladda la horgeyn doono .

Ciidamada Gorgor ayaa marar badan soo bandhigay dhallinyaro ay howlgalo ku qabteen ,kuwaa oo ay sheegeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab, dhallinyaradaas qaarkood ayaana la siidayay markii lagu waayay tuhunkii loo xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://m.youtube.com/watch?v=RUYv1wR9Vks

Related posts

Mid ka mid ah dowladaha caalamka oo shacabkeeda u fasaxday isticmaalka xashiishka

Caydiid Ali

Qalalaase dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed

Caydiid Ali

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo ka badbaaday qarax lagu weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---