Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Doorasho tartan adag loo galay oo caawa ka dhacday Gaalkacyo (Yaa ku guuleystay)

Waxaa caawa la soo gabagabeeyey tirinta codadka ergadii dooraneysay xildhibaanka qaadanaya kursiga HOP095 oo caawa ay doorashadiisu ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) ayaa ku guuleystay kursigaan oo ahaa mid loo galay tartan furan oo adag, waxuuna ahaa midka ugu tartanka adag seddaxdii kursi ee maanta lagu doortay magaalada Gaalkacyo.

Seddax musharax oo kala ah:

1 – Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
2 – Maxamuud Nuur Iimaan
3 – Maxamed Saciid Faarax

Ayaa ku tartamay kursigaan oo wareeg labaad la isla aaday, waxayna wareegii koowaad kala heleen Maxamed Saciid 44-cod, Cabdiraxmaan Cagaweyne 35-cod, halka Maxamuud Iimaan uu helay 20-cod, waxaana wareega labaad u gudbay Maxamed iyo Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa wareegii labaad ku guuleystay codad dhan 54, halka Maxamed Saciid oo laga guuleystay uu helay 47-cod.

Codbixinta ka hor waxaa iskaga haray tartanka C/kariin Dhalac oo kursigaas ku fadhiyey afartii sano ee la soo dhaafay, kaasoo taageero buuxda ka heystay Villa Somalia, waxaana sababta uu u haray lagu sheegay culeys kaga yimid beeshiisa.

Sidoo kale magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay doorashada labo kursi oo kale, waxaana ku guuleystay danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad oo golaha shacabka ku cusub iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo mar kale difaacday kursigiisa.

https://www.youtube.com/watch?v=UuEC3vd-XYc

Related posts

Maxaa laga filan karaa Kulanka Golaha Shacabka uu Farmaajo hortagayo Goordhaw ?

Cabdi Cade

Dalalka Dariska la ah Soomaaliya oo looga digay in ay fara galiyaan arimaha Doorashada

Cabdi Cade

Shidaalkii ugu horeeyey oo laga soo saarayo Mid ka mid ah degaanada Soomaalidu degto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---