Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo mar kale loo doortay Xildhibaan (Daawo Sawirro)

Koonfurta Magaalada ee gobolka Mudug maamulka Galmudug waxaa ka socota doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya .

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 waxaa ku tartamay wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo horey kursiga ugu fadhiyay iyo musharax Maxamed Axmed Maxamed oo Xildhibaanka malxiis ahaan usoo xushay.

Doorashada kursigan waxaa kusoo baxay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo helay 97-cod oo ahaa koorarmka ergadii dooraneysay, waxa uuna sidaasi Odawaa mar kale beeshiisa ku matali doonaa gollaha shacabka.

Doorashada labo kursi oo kale oo loolan adag ka jiro ayaa la filayaa in maanta ka dhacdo magaalada Gaalkacyo, doorashada labadan kursi ee harsan ayaana ah mid la furay ay ku tartamayaan musharaxiin dhoor ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=bkfXWI0KgC8

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Ganacsato kala arrinsaday Iskaashiga Dhaqaale ee Heer Gobol (Sawirro)

Cabdi Cade

Shan Senator oo maanta lagu dooranayo Magaalada Muqdisho (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Fursad lagu baranayo Quraanka iyo culuumtiisa oo loo hayo Qurbajoogta Soomaliyeed caruur iyo dad waa weynba!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---