Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Mareykanka oo Duqeyn culus ka geestay Deegaanka Wabxo iyo Dowladda oo ka hadashay

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay tuulo hoos tagta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, waxaana duqeyntan la sheegay in lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyn ay si wadajir ah uga shaqeeyeen milatariga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka laga fuliyay tuulada Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan Degaanka Wabxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyntan lala eegtay xero ay ku sugnaayeen Al Shabaab, waxa ayna dowladda shaacisay in weerarkaasi lagu dilay in ka badan 200-xubnood oo katirsan Al Shabaab oo isugu jiray saraakiil iyo dagaalyahano.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya laguma soo bandhigin magacyada saraakiisha ay sheegeen in duqeynta lagu dilay iyo xilalka ay ka hayeen Al Shabaab, mana jiro ilo kale oo madax banaan oo weerarkan xaqiijiyay.

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale dib u bilowday duqeymihii ay ka fulin jirtay gudaha Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay joogaan Al Shabaab, waxaana Mareykanka horey duqeymo ugu dileen hoggaamiyaal sar sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=bkfXWI0KgC8

Related posts

Daawo Video:-Ninkii alifay ama ugu horeeyay aaladaha farsamada iyo mashiinada dhaq dhaqaaqa ee dunida !!

admin

DF & Jubbaland oo ka shiray xal u helida dhibaato ay abuurtay dowladii Farmaajo

Caydiid Ali

Meydka Wiil Soomaali ah oo laga helay Magaalo ku taalla Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---