Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Gorgor oo qabtay rag lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku qabteen rag ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Gorgor ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Bariire uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka loogana hortagayay kooxaha falalka ammaan daro ka wadda deegaankaasi.

Ciidamada ayaana soo bandhigay labo nin oo dhallinyaro ah oo ay sheegeen in ay katirsan yihiin Al Shabaab, kuwaa oo lagu qabtay howlgalka ay ciidamada Gorgor ka fuliyeen deegaanka Bariire.

Gobolka Shabeelaha Hoose goobaha ay ka joogaan ciidamada Gorgor ayey si joogta ah uga fuliyaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxa ayna ciidamada mararka qaar la kulmaan iska caabin uga timaada dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=bkfXWI0KgC8

Related posts

Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

RW Khayre oo la kulmay qaar ka mid ah Safiirada dalalka caalamka u fadhiya Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Askarigii dilay Xildhibaanad Juweyriya Subcis oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---