Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada weerar lagu dilay todobo qof uu ku jiro nin Shiinees ah

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar khasaaro badan oo dhimasho ah dhaliyay waxa ay shalay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Majengo oo katirsan gobolka Xeebta Lamu ee dalka Kenya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ka fuliyeen deegaanka Majengo ku dileen lix qof oo u dhashay dalka Kenya iyo hal nin kale oo kasoo jeeday dalka Shiinaha.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu gaar ahaan deegaanka Majengo waxa ay ku dileem 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda xaqiijisay weerarka Al Shabaab ka fuliyeen gobolka Lamu ee lagu dilay ninka Shiineeska iyo dad kale oo Kenyan ah, waxa ayna dowladda sheegtay in ciidamada wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda weerarka fulisay.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerarka ka geestay goob mashaariic laga fulinayay gaar ahaan dhismaha waddo kasoo baxda Dekadda Lamu,  waxa ayna Al Shabaab halkaasi ku bur buriyeen agabyo iyo dhismayaal ay buundo ku jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Xaalad deg deg oo loogu gurmanayo dadka …

Cabdi Cade

Howlihii ka socday xarunta Xalane oo hakad la galiyay iyo AMISOM oo ka hadashay

Cabdi Cade

Dabageed oo shaqada ka joojiyey duqa Magaalada Belad-weyne iyo xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---