Dowladda Ruushka ayaa raadineysa dagaalyahano Carbeed oo qeyb ka noqda duullaanka ciidankooda ku qaadeen dalka Ukraine, waxaana Ruushka jab xooggan uu kasoo gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ukraine.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir PutinĀ ayaa la sheegay in uu fasaxay in dagaalyahano kasoo jeeda Bariga Dhaxe ku biiri karaan ciidamada Ruushka ee dagaalka kawada Bariga Ukraine .
“Haddii aad aragtaan dad si iskood ah raba, oo aan lacag doon ahayn, inay caawiyaan dadka ku nool Donbas, waa in aan u oggolaanno waxa ay rabaan, waana inaan ku caawinno si ay u tagaan furimaha dagaalka,” ayuu Putin ka yidhi shirka Golaha Amniga ee Ruushka.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dagaalyahano gaaraya 16,000 ooĀ kasoo jeeda Bariga Dhaxe oo doonaya in si mutadawacnimo ah ay ugu biiraan dagaalka ka socda Ukraine.
Warkan kasoo yeeray Madaxweynaha Ruushka ayaa imaanaya xilli horey loo hadal hayay in dagaalyahano Carbeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Siiriya in Ruushka damacsan yahay in uu geeyo dalka Ukarine si ay duulaanka qeyb uga noqdaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com