Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay geerida Xildhibaan dhawwaan lagu doortay Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, bulshada Jubaland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, oo galabta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay Dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray.
 
Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku dhawaan loo doortay Mid kamid ah kuraasta Baarlamaanka JFS ee dhawaan doorashadoodu ay ka dhacday Jubaland.
 
Waxaa Madaxweynahu uu si gaar ah tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumku uu ka baxay isagoo alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo xil cusub u Magacaabay Maxamed Faarax Sabriye

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka 49-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibada OIC (Sawirro)

Caydiid Ali

Haween dibed-bax cabasho dhigayey oo fal yaab leh ku kacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---