Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Biden oo laga dalbaday in la kordhiyo duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab

Saraakiisha ciidamada Maraykanka Madaxweyne Biden ka dalbaday inuu dib ugu celiyo Soomaaliya boqolaal ka mid ah ciidanka sida gaarka ah ee u tababaran ee dalkaas oo horey looga saaray Somalia ka dib amar ka soo baxay Madaxweynihii hore Trump.

Ciidamada uu Maraykanka kala baxay Soomaaliya ayaa hadda ku sugan waddamada Jabuuti iyo Maraykanka, halkaasoo marar qaar ay qaadaan duqeymo ka dhan ah xooggaga Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa ka digay in haddii cadaadiska laga yareeyo Al-Shabaab ay khatar ku noqon doonaan Maraykanka iyo danihiisa gobolka.

“Tan iyo markii ay ciidamada Maraykanka ka soo baxeen Soomaaliya, waxaan ogaanay inay sare u kaceen hawlgallada Al-Shabaab, oo sida ay doonaan u socon karaan dagaalyahannada ururkaas. Marka waa loo darsaday ciidamada Maraykanka uu kala baxay Soomaaliya.” ayuu sarkaale sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka u sheegay wargayska The Wall Street Journal.

Cutubyo ka tirsan milateriga Maraykanka ayaa muddo sanado ah saldhigyo ciidan ku lahaa gudaha Soomaaliya, waxaana ay dowr muhiim ah ka qaadan jireen la dagaallanka Al-Shabaab. Ciidamadaas ayuu Maraykanka la baxay bishii January 2021, kadib amar uu bixiyay Donald Trump oo xilligaas xukunka ka degayay.

https://www.youtube.com/watch?v=tNmckq7a6pA

Related posts

Midowga Yurub oo digniin culus u diray Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo xarigga ka jaray 200-guri oo loo dhisay Barakacayaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo shaaciyay in Farmaajo iyo Kheyre u siman yihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---