Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daacish oo qiratay dilka hogaamiyahodii hore, hogaamiye cusubna Magacowday

Kooxda ISIS ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hogaamiyahooda markii ugu horeysay Khamiistii – bil kadib markii uu qarxiyay naftiisa iyo qoyskiisa oo dhan, si uusan ugu gacan gelin ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo ku weeraray Dhisme ku yaalla woqooyiga Suuriya oo uu ku sugnaa.

Geerida Abu Ibrahim al-Hashemi al-Quraishi ayaa waxaa looga hadlay bayaan uu soo saaray afhayeenka kooxda argagixisada.

Waxaa lagu bedelay Abu Al-Hassan al-Hashemi Al-Qureyshi oo noqon doona hogaamiyaha cusub ee kooxdaas ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Biden ayaa horay u shaaciyay bishii hore in 45-sano jirkan ahaa hogaamiyaha Daacish uu dilay naftiisa, xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay intii uu socday howlgal Mareykanka uu ku doonayay in lagu soo qabto 3-dii Febraayo.

Abu Ibrahim ayaa isku qarxiyay dabaqa saddexaad ee dhismo ku yaalla tuulada Atmeh ee dalka Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=tNmckq7a6pA

Related posts

Saacad Duug ah uu lahaa Mahatma Gandhi oo lacag qaali ah lagu iibsaday !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Garsoorayaal Soomaali ah oo loo xushay dhexdhexaadinta Ciyaaro caalami ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Hey’adda Duulista Hawada oo go’aan culus ka soo saartay duulimaadyada Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---