Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Isbitaalka Garoowe ku booqday dhaawacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay isbitaalka ku booqday Ciidamo ka tirsan Daraawiishta  gaar ahaan Ururka Afraad ee Dayax oo dhowaan ku dhaawacmay shil gaari oo ay ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.

Deni ayaa warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawaca ah, wuxuuna xaal wareystay iyaga, isagoo faray masuuliyiinta ay khuseyso in xil la iska saaro daaweynta geesiyaashaasi dalkooda iyo dadkooda u shaqeynayay.

Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=tNmckq7a6pA

Related posts

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Aw-dheegle oo la dalacsiiyey

Caydiid Ali

Reer Galbeedka oo kahor yimid qorshaha Trump ka damacsan yahay Gasa

Cabdi Cade

Somali Swedish u soo dagaalamay Al-Shabaab oo xabsiga ugu dhintay COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---