Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo la wareegay degmada Matabaan

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay galabta la wareegeen gacan ku haynta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Qoraal ay Al-Shabaab ku daabaceen warbaahinta taageersan ayay ku sheegay in dagaalyahanadooda ay guud ahaan la wareegeen degmada Matabaan.

Dadka deegaanka ayay soo wajahday Cabsi ku aadan in dagaal uu halkaasi ku dhexmaro ciidamada dowladda iyo Al-shabaab weerarka soo qaaday.

“Dagaal kooban ka dib Al-shabaab ayaa la wareegtay degmada Matabaan, waxay hadda joogaan bartamaha degmada gaar ahaan saldhiga Booliska iyo xarunta maamulka, cabsi fara badan ayaana jirta” ayuu yiri goob jooge ku sugan degmada Matabaan oo la hadlay warbaahinta

Ma jirto weli wax war ah oo kasoo baxay Hay’adda amniga Soomaaliya oo ay uga hadlayaan sheegashada Al-Shabaab ee ah in Matabaan ay la wareegeen oo Maamul ahaan ka tirsan Hirshabeelle, balse Galmudug ay maamusho.

Related posts

Dayuurad rakaab ah oo ku burburtay Magaalada Goma & dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Farmaajo & madaxda dowlad goboleedyada oo kulan kale iskugu yimid

Caydiid Ali

Goob ay ka socotay doorashada golaha degaanka Baraawe oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---