Dhawwaan waxaa xal buuxa laga gaaray dagaalkii magaalada Boosaaso ku dhaxmaray ciidamada PSF ee taabacsanaa Maxamuud Diyaano iyo ciidamo kale oo ka ammar qaadanayay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Isimadda Puntland ayaa ku guuleestay in lasoo afjaro colaadii ka taagneyd magaalada Boosaaso lagana gaaro xal kama dambeys ah, waxa ayna taasi keentay in magaalada kusoo laabato jawigii hore ee caadiga ahaa.
Dagaalka ka dhacay Boosaaso waxaa kala hoggaaminayay saraakiil markii hore saaxiibo ahaa oo hal saf kuwada jiray balse siyaasad markii dambe kala geesay, waxaana hada laga shaqeeyay sidii saraakiishaasi la isugu keeni lahaa.
Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso kutaalla waxaa la isugu keenay oo kullan ku dhax maray saraakiisha ciidamadii ku dagaalamay Boosaaso, waxaana kulankaasi lagu soo afjarayay colaadii horey u dhax martay saraakiishan .
Saraakiisahan oo ka kala socday dhinacyada Ciidanka sida, PSF, Â PMPF , Boolis & Daraawiish oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ku ballamay sidii wadashaqeyntii jirtay dib loogu soo celin lahaa loogana gudbi lahaa xaaladihii Ciidanka dhexdooda ka dhacay.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Galan ayaa sheegay in shirkooda uu kusoo dhamaaay guul, isla markaana dhamaan Ciidamada ay ku wada heshiiyeen inay ka wada qeyb qaataan sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.
Dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa sababay dhimasho badan oo labada ciidan iyo waliba dad shacab ah, waxaana dadaalo badan oo la sameeyay lagu guuleestay in la heshiiyo ciidamadana hal aag wada galaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com