Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali duq Magaalo ka ah dalka Britain oo soo rogay amar dad badan ka yaabiyey

Duqa magaalada Sheffield ee dalka UK oo Soomaali ah ayaa madaxweynaha Maraykanka ka mamnuucay in uu soo booqdo magaaladaas.

Magid Magid ayaa ku dhawaaqay hadalkaas isaga oo ka hadlaya kala fadhiga golaha deegaanka, arrintaas ayuuna “taageero” ugu muujinayay Mexico.

Ninkan oo ka tirsan xisbiga Green Party ayaa intaas ka dibna Twitterka ku soo qoray magaalada wayn ee Sheffield laga mamnuucay Trump.

Duqan magaalada oo 28 jir ah oo la doortay bishii May ayaa ah duqii ugu da’ yaraa ee magaaladaas abid soo mara.

Golaha deegaanka ayaase sheegay in Magid uusan lahayn awood uu magaalada kaga mamnuuco cidna, balse goluhu uu si dimuqraadi ah u soo dhigi karo ugana doodi karo si ay u cambaareeyaan aragtida shaqsi ama urur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Nin xeelad yaab leh ku raaci jiray dayuuradaha oo xabsi loo taxaabay

Caydiid Ali

Al-Qaacida oo sii deysay Dhaqtar reer galbeed ah oo todoba sano u afduubnaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo baaq ku aadan Shirka Afisiyooni u dirtay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---