Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Ukarin iyo kuwa Ruushka ayaa wali ka socda qeybo kamid ah dalka Ukraine, dagaalka ayaana noqon sidii ay Ruushka filayeen, waxaana kasoo gaaray khasaaro aad u xooggan.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in ciidamada Ruushka hub kiimimo ah u adeegsadaan dagaalka hadii uu kusii dheeraado sidoo kale kasoo gaari khasaaro xooggan, waxaana hubkaasi ka dhalan kara cawaaqib xun sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.
Xoghayaha warfaafinta, Jen Psaki, ayaa sheegay in Ruushka damacsan yahay in dagaalka Ukraine u adeegsado hub kiimiko ama mid biological , waxa uuna xusay in muhiim tahay in isha lagu hayo tallaabadan.
Jen Psaki, ayaa sheegay in Ruushka isticmaalka hubkaan marmarsiiyo uga dhiganayaan warar been abuur ah uu tilmaamay in ay sheegayaan in Mareykanka gudaha Ukraine ku leeyahay xarumo lagu farsameeyo hub khatar ah.
Wadamadda Reer Galbeedka ayaana ka cabsi qaba in Ruushka dagaalka Ukraine u adeegsado hubka kiimidakada kiimikada, nukliyeerka sida xeeladeysan loogu dagaallamo iyo hubka biological-ka iyo bamvooyinka halista badan ee loo yaqaano dirty bombs.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=YXtWli04Liw