Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxaa dhici kara haddii Dowladda Ruushku xirto shidaalka iyo gaaska ay soo saarto?

Maraykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa shaaciyay inay xakameyn doonaan shidaalka ay ka iibsadaan Ruushka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu Ruushka ka digay inuu gaaska ka jari doono dalalka Yurub, haddii xayiraad la saaro shidaalkiisa.

Maraykanka ayaa qaatay tallaabada ugu adag, waxaana uu mamnuucay gebi ahaanba shidaalka, gaaska iyo dhuxusha uga timaada Ruushka, kadib codsi uga yimid Ukraine.

UK ayaa si tartiib ah u yareynaysa isticmaalka shidaalka Ruushka, waxaana ay gebi ahaanba ka kaaftoomi rabtaa marka la gaaro dhammaadka sanadkan, halka Midowga Yurub uu saddex meelood laba meel dhimayo.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka Ruushka, Alexander Novak, ayaa sheegay in xayiraadda shidaalka dalkiisa uu “cawaaqib aad u xun ku yeelan doono suuqa caalamka.”

Qiimaha shidaalka iyo gaaska ayaa aad sare ugu kacay, waxaana la saadaalinayaa inay ka sii dari doonaan haddii uu Ruushka joojiyo dhoofintooda. Waxaa ay arrintan saameyn doontaa sicirka raashinka iyo weliba noolasha caadiga ah ee dadka.

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan soo saara. Waa ka horreeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Kala bar shanta milyan ee barmiil ee uu maalintii soo saaro Ruushka ayaa waxaa loo dhoofiyaa Yurub. UK ayaa 8% shidaalkeeda ka soo iibsata Ruushka. Maraykanka ayaa isna 3% shidaalka ka iibsada Ruushka.

Yaa buuxin kara kaalinta Ruushka?

Ben McWilliams oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadaha tamarta ayaa sheegay in la heli karo dalal buuxiya kaalinta shidaal ee Ruushka, balse ay adag tahay in la buuxiyo kaalintiisa gaaska.

Maraykanka ayaa ka codsaday Sacuudi Carabiya inay kordhiso shidaalka ay soo saarto, balse xukuumadda Riyadh ayaan marar hore ka diiday codsi noocaas ah.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka fekeraya inuu khafiifiyo xayiraadda uu saaray shidaalka Venezuela, oo hadda intiisa badan loo dhoofiyo Shiinaha.

Gaaska Ruushka ee Yurub

Haddii uu Ruushka gaaska ka jaro Galbeedka Yurub, waxaa aad sare ugu kici doona qiimihiisa. Gaaska Ruushka ayaa u dhigma 40% gaaska dabiiciga ah ee laga isticmaalo Yurub.

Haddii uu Ruushka joojiyo gaaskiisa, saameynta ugu badan waxa ay ku yeelan doontaa dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga.

Yurub ayaa u weecan karta dalalka gaaska soo saara sida Qatar, Aljeeriya ama Nigeria, balse waxa ay caqabad ka taagan tahay sida durba loo ballaarin karo soo saaridda gaas dheeraad ah.

UK ayaa 5% ku tiirsan gaaska Ruushka, halka Maraykanku uusan wax gaaska ah ka iibsan Moscow.

Hase yeeshee gaas yarida caalamka ayaa sare u qaaday sicirka waddamada Maraykanka iyo UK.

Midowga Yurub ayaa soo jeediyay qorshe uu qaaraddiisa uga dhigayo mid ka madax bannaan tamarta Ruushka ka hor sanadka 2030. Waxa qorshaha ka mid ah in aan lagu tiirsanaan gaaska iyo shidaalka oo keliya, balse la raadiyo hab kale oo lagu heli karo tamarta.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=ZeNhWlwK3eE

Related posts

Madaxweyne Xi Jinping oo Warbaahinta horteeda ku canaantay Ra’isul Wasaare Justin Trudeau

Cabdi Cade

Dad ka badan 700 oo lagu xasuuqay Gaza 24kii saac ee la soo dhaafay

Caydiid Ali

Xuska Munaasabada Maalinta 15-ka May oo caawa lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---