Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qofkii u horeeyey ee lagu tallaalay wadne Doofaar oo geeriyooday

David Bennett oo ahaa qofkii ugu horreeyey ee lagu tallaalo wadne Doofaar ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Ninkan oo laba bilood ka hor lagu sameeyey qallin loogu geliyey wadne Doofaar ayaanay dhakhaatirtii gacanta ku haysay faahfaahin sababta dhimashadiisa, iyagoo sheegay in xaaladiisu soo xumaanaysay maalmihii ugu dambaysay, ugu dambeyna uu geeriyooday.

Qallinkiiisa ayaa yididiilo badan geliyey bahda caafimaadka oo rajanaysay in xubnaha Xaywaanku beddel wanaagsan u noqon karaan kuwa Aadanaha ee howlgabka noqda

David Bennett, oo 57 jir ah ayay xaaladdiisu wanaagsaneyd markii lagu sameeyay qalliinka tijaabada ah oo qaatay toddobo saacadood, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Ninkan ayaa qalliinka loogu sameeyay isbitaal ku yaalla magaalada Baltimore ee dalka Mareykanka.

Ku tallaalista wadnahan waxay ahayd rajadii ugu dambeysay ee laga qabay in lagu badbaadiyo nolosha Mr Bennett.

“Waxay ahayd ahayd dhimo ama ha lagugu tallaalo wadnahaas,” ayuu yiri Mr Bennett ee xaaladdaas ka sheekeynayay maalin ka hor qalliinka.

“Waan ogahay waa arrin aan la ogaan karin waxa ka dhalan kara, balse waxay ahayd fursaddeydii ugu dambeysay,” ayuu yiri.

Dhakhaatiirta Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Maryland ayaa fasax khaas ah ka helay Waaxda Sharciyeynta Arrimaha Caafimaadka ee Mareykanka si ay qalliinkaas u fuliyaan, sababta loogu oggolaadayna waxay ahayd ineysan jirin waddo kale oo lagu badbaadin karo Mr Bennett.

Waxaa horay loo sii ogaa in uusan ku badbaadi karin wadne bani’aadan, go’aankaas oo ay dhakhaatiirtu ka gaaraan bukaannada ay xaaladdooda caafimaad aadka u liidato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo kulan ku leh Villa Somalia

Caydiid Ali

Somaliland oo si adag uga jawaabtay Eedeyn uga timid Soomaaliya farriin cusubna dirtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---