Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Biden oo weji gabax kala kulmay telefan uu ka wacay labada dhaxal suge ee Sacuudiga & UAE

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa qiray in uu ku guuldarraystay dadaal uu doonayey in madaxweyne Joe Biden uu talefanka kala hadlo dhaxalsugaha boortooyada Sucuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan iyo dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheekh Muxamed Bin Saa’id.

Wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee “Wall Street Journal” ayaa qoray, “Dhaxalsugayaasha Sacuudiga iyo Abu Dhabi ayaa diiday in ay talefanka kala hadlaan madaxweyne Biden” Halka labada Muxamedba ay toddobaadkii hore talefanka kala xiriireen Madaxweyneyaasha Ruushka iyo Ukraine.

Maraykanka ayaa ku jira dadaal uu doonayo in uu ururiyo taageero xooggan oo ka hor timaadda dagaalka Ruushka ee Ukraine iyo in la isu kaashado xakamaynta dhibaatada kor u kaca shidaalka ee dagaalkaasi sababi karo.

Labada hoggaamiye ee Sacuudiga Iyo Imaaraadka oo uu Madaxweynaha Maraykanku doonayey in uu arrintaas kala hadlo ayaa shardi kaga dhigay, in ay sida oo kale ka wada hadlaan dagaalka ay ka wadaan Yemen.

Sucuudiga ayaa hore u diiday dalab uu Maraykanku kaga doonayey inuu gacan ka geysto dejinta qiimaha shidaalka. Waxaana uu shardi ka dhigay in marka hore Maraykanku ballanqaado in uu taageero buuxda ka siinayo dagaalka Yemen, inuu ka caawinaya samaysashada Nukliyeer nabadeed ah iyo inuu dhaxalsugaha Sucuudiga Muxamed Bin Salmaan siiyo xasaanad ka hor istaagta in lagu soo oogo dacwado la xiriira dilkii saxafigii Jamaal Khashoqji ee sannadkii 2018 kii

Weji gabaxii uu Madaxweyne Biden kala kulmay labadan dal ee Khaliijka kaddib, waxa uu la xiriiray madaxweyneyaasha Ruushka iyo Ukraine si uu isugu dayo in colaadda xal loo helo.

Related posts

Ugaaska Beesha Murusade & ergo uu horkacayo oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad looga shakiyay in ay qabaan Cudurka Caronavirus oo lagu karantiilay dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Gabar iyada oo la gudayo Geeriyootay iyo Waalidiinteeda oo xabsi la dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---