Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Axmed Macalin Fiqi uusan u tartameyn kursigiisa Xildhibaanimo?

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ahna Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamankii xiligiisu dhamaaday ee Somalia ayaa sheegay inuusan ka qeyb galayn doorashada golaha shacabka ee ka socota dalka.

Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa faahfaahiyey sababaha uusan ugu tartameyn kursigiisa Xildhibaanimo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Kursiga HOP038

Waxaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan xiriiro kala duwan ila soo sameeyey asxaab badan iyo qaar ka mid ah taageerayaashayda, gaar ahaan arrinta la xiriirta u tartamidda kursiga HOP #038 ee aan ku fadhiyey.

Marka koowaad waxaaan u mahadcelinayaa asxaabtayda iyo qaraabadaba, waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursigaas saandkaan arrimo ii gaar ah awgood iyo anigoo naftayda u Quuri waayey in aan hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii iyo dhanka kale  siyaasaddu in aysan ahayn oo kaliya baarlamaanka oo xubin laga noqdo.

Waxaan kursigaas ku matalayey barlamaankii 10-aad dad iyo deegaankii ii soo igmaday iyo qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna kursigaasi ahaa mid tilmaaman, lagu matalayey aqoon, aragti siyaasadeed oo xor ah iyo dulqaad, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee kaligitaliska tooshka ku ifiyay inta uusan ficilooyinkiisii gurracnaa la soo bixin. Wuxuu ahaa kursi lagu ilaaliyo Soomaalinimada, qaddiyadaha umadda Soomaaliyeed u taagan yihiin iyo mid lagu saxo taliska Villa Somalia.

Waxaan deegaankii iyo dadkii aan ku malatlayey ee Cabdalle Sacad uga mahadcelinayaa wadashaqaynta, walaaltinimada iyo dulqaadka ay ii muujiyeen mudadii aan ku matalayey kursigaas, Anigoo soo dhowaynaya in afarta sano ee soo socotana ay u doortaan (ee aan loo doorin) qof si sharaf leh ku matala, ilaalinaya magacooda, isla markaana qeyb ka noqda dabaysha isbedelka ee dalka ka socota.

 

 

Related posts

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka hor yimid talaabo uu qaaday Wasiirka Cadaalada

Caydiid Ali

Amniga Muqdisho oo faraha kasii baxaya habeen iyo maalin & Shacabka oo qaati ka taagan dhaca iyo dil oo …!!

admin

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo la soo taagay Maxkamad Milateri iyo xukun lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---