Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalad adag oo ku soo wajahan Ukraine & CIA-da Maraykanka oo digniin culus bixisey

Fashilka militari ee Ruushka ka heysta Ukraine, oo ay weheliso cunaqabataynta dhaqaale ee curyaamisay dalkaas ayaa waxay u badan tahay inay ku dhiirageliso madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu dagaalka magaalada Kyiv u adeegsado awood culus.

Sida lagu sheegay qiimayntii ugu dambaysay ee saraakiisha sirdoonka Mareykanka, wuxuu Putin sidoo kale adeegsan doonaa awood aan kala sooc lahayn.

Saraakiishu waxay sawir aan fiicneyn ka bixiyeen xaaladda Ukraine Talaadadii intii lagu jiray dhageysiga Congress-ka oo ku saabsanaa qiimeynta khataraha sanadlaha ah ee sirdoonka Mareykanka, iyagoo ka digaya in kasta oo ay sii kordhayaan iska caabbin adag, magaalooyin badan ay wajihi doonta rajo xumo sii kordheysa.

Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa laga yaabaa inay ka dhammaan karaan cuntada iyo biyaha muddo 10 maalmood gudahood ah, sida ay sheegeen sirdoonku.

“Waxay xaaladdu noqon doontaa wax aad u fool xun toddobaadyada soo socda,” ayuu yiri agaasimaha CIA-da William Burns, isaga oo ku tilmaamay Ukraine “arrin ku saabsan xukun oo hoggaamiyaha Ruushku si qotodheer oo shakhsi ah u taabaneysa.

“Putin waxaa ka go’an inuu xukumo Ukraine, iyo inuu qaabeeyo jihada ay hiigsaneyso,” ayuu sii raaciyay agaasimaha CIA-da Burns.

Saraakiisha sirdoonka, iyo kuwa Pentagon-ka ayaa maalmihii la soo dhaafay, tilmaamay niyad-jabka sii kordhaya ee ciidamada Ruushka, kaas oo gaaray ilaa Putin, oo filayay in Kyiv ay ku dhaco gacanta Ruushka hal ama laba maalmood gudahood, laakin taa baddalkeeda, ciidamada Ruushku ay arkeen duullaankoodii oo istaagay

Related posts

Wasaaradda Amniga oo Awaamiir kasoo saartay heesashada hubka sharci darrada ah

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Jaamacadda Carabta oo taageero Maliyadeed u balan-qaaday Soomaaliya

Caydiid Ali

Trump oo soo bandhigay talo yaab leh oo looga hortagayo qulqulka dadka tahriiba

Caydiid Ali
Taboola Ads ---