Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Xukun Dil ah oo lagu riday Maxamed Aadan Maxamed iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybteeda 27aad, ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo lagu helay in uu dil u geestay askari kale.

Dable xoogga dalka Maxamed Aadan Maxamed Isaaq (Kobra) ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ku eedeesay in uu dil bareer ah u geestay Laba xidigle xoogga dalka Aadan Maxamed Xasan (Suufi) oo isna ciidanka dowladda katirsanaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Maxamed Amiin ayaa sheegay in Dable Maxamed Kobra lagu riday xukun dil ah oo qisaasta marxuumkii uu horey u dilay Aadan Maxamed Xasan (Suufi) .

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa marar badan xukuno dil ah ku riday askar katirsan ciidanka dowlada oo siyaabo kala duwan dilal bareer ah ugu geestay askar kale iyo dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Isbitaalka Dalmar oo indho fiiqis & daweyn bilaash ah u sameynaya kumanaan qof

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo duqeyntii labaad 48 saac gudahood ka geystay Somalia

Caydiid Ali

Guutooyinka Cumar Binu Qadaab iyo Cali Binu Abii Dhaalib oo dhiirogelin loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---