Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo la kulmay Xoghayaha Guud ee J/Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda Carabta.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanayd siyaabaha ay wadamada carbeed uga taageeri lahaayeen Soomaaliya wax ka qabashada xaaladda daran ee abaaraha ee ka jira dalka iyo sidoo kale doorashooyinka socda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo wafdiga socdaalkiisa ku wehliya ayaa beri oo Arbaco ah kaga qeybgali doona Magaalada Qaahira Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed meertadiisa caadiga ah ee 157aad.

 

Related posts

Banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday Cali Guudlaawe oo ka dhacay Baladweyne

Cabdi Cade

Jubbaland oo si deg deg ah u hogaansantay Baaqii Guddiga Doorashada

Cabdi Cade

Sacuudiga & Mareykanka oo soo geagebeeyey heshiis soo jiray 80 sano

Caydiid Ali
Taboola Ads ---