Sida ay sheegtay Wasaaradda difaaca Ukraine Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay meel u dhow magaalada Kharkiv.
Taliyaha la sheegay in la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Vitaly Gerasimov oo ahaa madaxa shaqaalaha iyo Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka 41-aad ee Xarunta Dhexe ee Milatariga Ruushka.
Waxaa uu ka soo dagaalamay Suuriya isagoo ku helay billad geesi dagaalkii Ruushku Ukraine kaga qabsaday gobolka Crimea.
Ukraine waxay kaloo sheeganaysaa inay dishay saraakiil badan oo hoggaaminayey dagaalka Ruushka. Ilaa iyo hadda si madaxbannaan looma xaqiijin karo dhammaan sheegashooyinka labada dhinac.
Dhinaca kale, Kulankii afaraad ee wadahadal ay yeeshaan Ukraine & Ruushka ayaa mar kale maanta la iskugu imaan doono wadanka Belarus, wadaxaajoodkii hore wax wayn lagama gaarin.