Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Dhul ku wareejiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Madaxweynaha Jubaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo xubno kale oo ka tirsan Hay’adda.

Masuuliyiintan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo shaqooyin kale duwan ka haya deegaanada Jubaland ayaa waxa uu Madaxweynaha Jubaland kala hadlay dardargalinta howlaha xafiiska iyo sidii loo fududeen lahaa adeegyada bulshada ee ay Hay’adda ka heyso deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam waxa uu Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyey dhul uu ugu tala galay in laga dhiso xarun weyn oo ay Hay’adda ugu shaqeeyn doonto bulshada ree Jubaland.

Related posts

Ciyaaryahan caan ka ah Yurub oo sanka ka jabiyay Fanaan ay murmeen !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Qoorqoor oo ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Muxyadiin Aadan Wali

Caydiid Ali

Shirkad soo saareysa wershedo yaryar oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka si Yurub …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---