Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Dayax gacmeed wax basaas iyo shaki badan oo laga muujiyay

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa shaacisay in ku guuleesteen tijaabinta dayax gacmeed nuuca wax basaaso ah, waxaana durba sheegashada Kuuriyada Waqooyi shaki badan galiyay dowladaha dariska la ah.

War kasoo baxay dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in guul kusoo dhammaaday tijaabinta dayax gacmeedkan loogu tala galay in wax lagu basaaso ,kaa oo hawada sare loo diray .

Kuuriyada Koonfureed oo daris la ah Kuuriyada Waqooyi colaad soo jireen ahna uu ka dhaxeeyo ayaa meesha ka saartay warka kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi, waxa ayna sheegeen in waxa la tijaabiyay yihiin gantaal nooca ridada dheer .

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan tijaabisay gantaalo isugu jira kuwa ridada dheer ee qaaradaha isaga gudbo iyo kuwa ridada dhaxe, waxaana tijaabooyinkaasi walaac ka muujiyay dowladaha dariska la ah sida Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabageed oo shacabka B/weyne u diray fariin ku aadan doorashadda ku soo wajahan

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey Xeer cusub oo Muhiim ah

Caydiid Ali

Jilaa dilay Hooyadiis sidoo kale qorsheeyay Dilka Ra’isul Wasaare oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---