Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka waqtigiisa dhammaaday ayaa ku fashilmay in mar kale noqdaan Xildhibaano, waxaana xubnahaasi ku jira siyaasiyiin aad ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo rajo badana ka qabay in mar kale soo laabtaan.
Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida waalida ah u taageersanaa Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna aaminsanaa siyaasigan rugcadaaha ah in Farmaajo mar kale ka dhigi doono xildhibaan .
Waxa uu sheegay Ibbi in uu ahaa halgamaa weyn oo katirsanaa Nabad iyo Nolol, waxa uuna cadeeyay in Madaxweyne Farmaajo sabab u ahaa in uu waayo kursugiisa Xildhibaanimo uuna dhabar ka toogasho ku sameeyay.
“Dad aan ku kalsoonaa uu Farmaajo ku jiro ayaa dhabarka iga jebiyay, Waxa qaldamahay waa dhabar ka toogasho dadka intooda badan dhowr jeer ii sheegeen balse ugu dambeyn aan arkay, mana filaneyn meesha ay iga gaarsiisneed & halka ay ku dhammaatay” ayuu yiri Prof Ibbi.
Prof Ibbi ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu dhaafiyay kursiga Xildhibaanimo uu ku fadhiyay uuna siiyay qof kale, waxa uuna xusay in arrintan aysan eed ku laheyn Koonfur Galbeed balse Farmaajo iyo Villada ka dambeeyeen.
Waxa uu sheegay Ibbi in uu kheyr u ahaa in kursiga Xildhibaanimo waayo uuna halis ugu jiray in Farmaajo uu aabbe dhihi jiray uu katarabiil u noqdo uuna gaarsiiyo heer kale, balse hada ilaha badbaadiyay.
” Markii hore Farmaajo waxaan dhihi jiray aabbe, balse waxaan ku sigtay inaan dhaho Allaahumma salli calaa Farmaajo. Marka khayr ayay ii ahayd in aan xilkaan waayo sababtoo ah haddii la i dooran lahaa waxaan noqon lahaa katarabiil Farmaajo adeegsado oo uu dadka ku burburiyo”. Ayuu yiri.
Siyaasigan 21-sano katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki galiyay in Madaxweyne Farmaajo mar kale dib loo soo doorto, waxa uuna ku tilmaamay siyaasi been badan oon laheyn balan iyo axdi intaba.
“Soomaalida nin ay mar dooratay mar labaad ma doorato, “Shalay Farmaajo waan taageersanaa 100% balse waxaa muhiim ah in uu qofka ballan & diin leeyahay ayaa lagu raacaa, in todobo saac habeennimo la I yiraahdo Ergadada geyso Baydhabo oo toban saac galabnimo telefoon la iga soo daba tiro oo la dhaho asiga ma aha yaah waxa ay ka dhigan tahay sii oo ha siin” ayuu yiri Ibbi.
Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo ayaa si xun ula dhaqmay xildhibaano, wasiiro iyo siyaasiyiin badan oo guul wade u ahaa balse ugu dambeyn dhaafsiiyay kuraas Xildhibaanimo qaarkood xittaa u diido in ay Muqdisho ka safraan.