Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashadii ugu adkeyd kuraasta Golaha shacabka oo Gaalkacyo ka dhacday caawa (Sawirro)

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa caawa ka dhacday doorasho la isku habeensaday oo ay ku loolamayeen afar haween ah.

Kursigan oo ay ku fadhiday Ubax Tahliil Warsame ee doorashadiisu ka dhacday Gaalkacyo ayaa waxaa caawa ku soo baxday Xildhibaanad Qaali Cali Shire ka dib labo wareeg oo doorasho ah.

Waa kursi si daahfuran loogu tartamay, iyadoo ay wareegii koowaad ku hareen labadii musharax ee kale oo kala ahaa Hodon Cabdi Shire iyo Ayaan.

Hoolka doorashadu ka dhacday ayaa mar kaliya sawaxanku is qabsaday kadib markii guddiga doorashada Galmudug ku dhawaaqeen codka warqadii 51-aad oo ay heshay Qaali Cali Shire, taasoo muujinaysa in ergooyinka intooda badan ay si wayn uga soo horjeedeen Ubax Tahliil.

Wareegii 1-aad Ubax ayaa heshay 45 Cod, Halka Qaali oo u dhaxda Madaxweyne Deni walaalkiis ay heshay 32, Ayaan 8 cod ayay heshay halka inta soo hartay ay heshay Hodon Cabdi Shire.

Ubax Tahliil ayaa taageero weyn u aheyd Farmaajo ayaa ku guuldareysatay in loo xiro kursigan ka dibn markii talaabadaas ay ka soo horjeesteen beesha ay ka soo jeedo, waxaana guuldareystay dedaal badan oo Madaxweyne Qoorqoor ku doonayey in Kursigan ay mar kale ku soo laabato Ubax Tahliil.

Maanta gelinkii hore ayaa lagu wady in la qabto doorshada kursigan balse dib ayey u dhacday saacado badan ka dib markii uu hareeyey muran ka dhashay ergada la soo xulay oo ka dhexeeyey musharaxiinta qaar.

Doorashada kursigan oo aheyd mid furan oo aan cidina loo xirin ayaa lagu tilmaamay iney aheyd tii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyd doorashada golaha shacabka ee ka bilaabatay dalka dhowr bilood ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Masuul ka tirsan Maamulka Galmudug oo lagu dhaawacay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo iscasilay, kana hadlay sababta

Caydiid Ali

Puntland oo shacabka ugu baaqday in aysan ka wal walin shirka ka furmaya Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---