Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Rooble oo la kulmay Guddiga Qiimeynta xaaladda Degaan doorashada Garbaharey

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubbaland ee Garbahaarreey.

Rooble ayaa ka dhageystay Guddiga warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarreey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga ayaa magaalada Kismaayo waxa ay kulammo la yeesheen Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynen ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,  Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubbaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Garbahaarey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.

Guddiga Qiimeynta ayaa sidoo kale kulammo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiintaiyo nabadoonada deegaan doorashada Garbahaareey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga oo uu hoggaaminayo la taliyaha dhinaca sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Avv.Cumar Maxamed Cabdulle ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda  guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayuu qorshuhu yahay in ay sidoo kale tagaan Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada 16 kursi oo Golaha Shacabka ah oo la qoondeeyay in lagu qabto Garbahaarreey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaallo keliya oo kutaalla Liibiya oo ku dhinteen in ka badan 5,200 oo qof kaddib markii..

Cabdi Cade

Shir Xasaasi ah oo caawa ka socda Xafiiska Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen oo aan sii jiri karin” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---