Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta lagu qabtay doorashada xildhibaano cusub ooka mid noqday golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in la qabtay doorashada afar ka mid ah shan kursi oo qorshuhu ahaa in la qabto, waxaana ku kala guuleystay xubnaha kala ah”-
1- Aadan Cismaan Xuseen ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP013
2- Xersi Aadan Rooble ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP101
3- Jawaahir Maxamed Axmed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP001
4-Qaladla Cali Cawaale ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP017.
Dhinaca kale, Doorashada kursiga HOP060 ee Gaalkacyo oo ay u taagan yihiin shan haween ah ayaa hakad ku jirta, iyadoo ay ka dib dhacday saacadihii la filayay in kursigan la qabto, ka dib buuq ka dhashay hannaanka doorashada u dhaceyso.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah Musharaxiinta aysan weli hoolka soo gelin oo ay diidan tahay, halka warar kalena ay sheegayaan in buuqa ergada ka taagan tahay.
Kursigan oo ay horey ugu fadhiday Xildhibaanad Ubax Tahliil ayaa ah kursi doorashadiisa la furay oo ay ku loolamayaan shan Musharax oo iyadu ay ku jirto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com