Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsan Galmudug oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa si rasmi ah ugu soocta doorashada kuraasta shan ah ka mid ah Golaha shacabka Somalia.

Doorashada kursigii ugu horreeyay oo ka dhacday Gaalkacyo ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Galmudug Aadan Cismaan Xuseen, isagoo helay 82 cod.

Guddiga maamulka doorashada  Galmudug ma aysan shaacin musharixii la tartamayay kan guuleystay, balse guushiisa oo kaliya ayey ku dhawaaqeyn taasoo ka dhigan inuu ahaa doorashada kursigan HOP013 loo xiray Wasiirka.

Sidoo kale waxaa socda doorashooyin kale oo ka dhacaya magaalada Gaalkacyo kuwaasoo ay ku loolamayaan musharaxiin haween u badan oo doonaya iney ku soo baxaan doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka: ” Waxaan xoojinaynaa garabka aan DF ku siino dagaalka argagixisada”

Caydiid Ali

Maxamed C/Ladiif oo diiday in uu la ciyaaro Tartanka Olombikada Ciyaartoy Israa’iili ah

Cabdi Cade

Ciidamada Amaanka oo fashiliyay qarax la doonayay in dhibaato lagu geesto (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---