Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saaka loo diiday inuu u safro magaalada Baydhabo laguna celiyay Garoonka Aadan-Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay is’hor-istaagii lagu sameeyay
Shariif Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabada Maanta lagu sameeyay ay aheyd mid uusan fileyn, isla markaana loo diiday diyaaradii u kireysneyd inay u duusho Baydhabo.
“Safarkayga Magaalada Baydhabo shalay ayuu qorsheysnaa balse waxaa la ii sheegay in wax diyaarad ah aysan baxeyn, Maanta markii aan isku dayay inaan u duulo Baydhabo waa ii diiday” ayuu yiri Shariif Xassan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) inuu bixiyey amarka lagu joojiyey safarkiisa uuna inkiray malaaqii Beeshiisa ee lahaa saxiixa kursiga Hop261, wuxuuna ka cosdaday inuu joojiyo ficilada uu wado.
“Aniga waxaan rabay in aan Baydhabo aado maadama kursiga reerkeyga ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay uu yahay 261, tolkeygana wey ii yeereen in aan Baydhabo aado..maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yiri, masoo qaadi kartid baa lagu yiri ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda laakiin waxaan rabay in aan ka qeybgalo waana la diiday in aan meesha tago” ayuu yiri shariif Xasan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com