Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay dadka ka qaxay dagaalka ka socda Ukraine iney tiradooda kor u dhaaftay 1.5 malyan.
“Qaxootiga tirada badan ee ka qaxaya dagaalka Ukraine waa qaxootigi ugu badnaa oo qarradda Yurub ka qaxa tani iyo marki uu dhammaaday dagaalkii labaad ee Adduunka” ayuu madaxa UNHCR oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.
Tani iyo marka uu duullaanka Ukraine billaawday waxaa dalkaasi ka qaxay dad gaaraya 1.3 malyan.
Dalka Poland ayaa martigeliyey kala bar qaxootigaasi halka ay dalalaka Hungary iyo Romania ay gaareen tiro aan yareyn
Dhinaca kale, Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay dhowr magaalo oo ku yaalla caalamka kuwaas oo kasoo horjeedo duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine. Goobaha ay dibadbaxyada ka socdeen waxaa kamid ah Switzerland, Croatia, Thailand iyo London.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com