Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shariif Xasan oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aaden cadde iyo sababta ka dambeysa

Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa goor dhow lagu celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana loo diiday inuu u safro Baydhabo oo ay ka dhaceyso Kursigiisa Xildhibaannimo.

Warar iskhifaafsan ayaa ka soo baxaya cida bixiay amarka lagu celiyey Shariif Xassan, kuwaasoo qaarkood sheegayaan iney ka dambeysay NISA, halka warar kalena xusayaan in amarka safarka loogu diiday uu ka oo baxay Maamulka Koonfur galbeed.

Shariif Xassan ayaa sida muuqata la doonayaa in la dhaafiyo doorashada kursigiisa sababo la xiriira Laftagareen oo ka cabsi qaba in haddii Shariifku noqdo Xildhibaan uu u tartamo Kursiga Guddoomiyaha golaha shacabka.

Laftagareen ayaa isha ku haya damac xoogana uu kaga jiraa xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Somalia, waana taas sababta ku riixeysa inuu doorashada ka reebo Shariifka oo uu arko inuu carqaldeyn karo damaciisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo qaaday Talaabo ka careesiisay Midowga Yurub iyo Mareykanka

Cabdi Cade

Somalia oo codsi la xiriira xad gudubka Itoobiya u gudbisay ururka OIC

Caydiid Ali

Dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta oo Yemen ka bilaabanaya iyo Sacuudiga oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---