Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Putin: “Cuno-qabateynta reer galbeedku waxay ka dhigan tahay dagaal la iclaamiyey”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka digay in qarannimada Ukraine ay ku jirto xaalad halis ah, isagoo cuna-qabateynta ay reer Galbeedku saareen Ruushka la barbar dhigay sida dagaal la iclaamiyay oo kale.

Magaalada Maiupol ayaa wali ku jirto xaalad go’doon ah, kaddib marki ay Ruushku sii amba-qaadeen Sabtidii duqeymaha dhanka cirka ah ee ay maalmahan ku wadeen, waxyar kaddib marki ay burburtay xabad-joojin ay Ruushku ballan-qaadeen.

Dagaalka oo Axadda maanta ah galay maalintiisii 11-aad, ayay ciidanka Ruushku wali sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan magaalooyinka waaweyn, hase yeeshee wali ma jirto magaalo weyn oo ay qabsadeen marka laga reebo magaalada Kherson.

In ka badan 1.4 milayn oo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ka qaxeen colaadda Ukraine, waana dadkii ugu badnaa ee ka qaxa da ka tirsan Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee dunida sida ay sheegtay QM

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Guddoomiye Max’ed Mursal oo maanta sameeyey kormeerkiisii ugu horeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Erdogan: ” Waa in Maxkamada dembiyada ee ICC la horkeenaa Netanyahu”

Caydiid Ali

Gaadiid shixnado gargaar ah sida oo Maalintii labaad galay Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---