Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo dhagax dhigay laami cusub oo laga hirgelinayo Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha wadada Dr. Kadare, wadadaas oo tagi doonto Xeebta Dahab Mariina Beach.

Dhismaha wadadaan ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan bulshada Caasimadda iyadoo sidoo kale qeyb ka noqon doonto dalxiiska ay dadweynaha ku tagi doonaan xeebaha wadadaas saaran.

Gudoomiyaha Rugta ganacsatada Soomaaliyeed Maxamud Cabdikariim Gabeyre ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin dadaal kaste oo lagu horumarinaayo Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay furitaanka mashruucan waxa uu sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay bulshada u heli lahaayeen adeegya wax tar leh.

Dhan kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dib u dhiska lagu sameynayo wadada Fagax oo kamid ah wadooyinkii ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay xarun Wasaaradeed iyo Masuuliyiin ku go’doonsan

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga dalka oo toogasho ku dilay nin Miino ku aasayey..

Caydiid Ali

Buuq ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland iyo gudoonka oo go’aamiyay in …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---