Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay xaafada Sii Sii ee degmada Dayniile, waxaana qaraxan lala eegtay gaari dagaal ay wateen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Goob jooge ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxa lagu qariyay goob qashin ah uuna dhacay xili laamiga dhax mara Xaafada Sii sii uu marayay gaari Cabdi Bille ah ay la socdeen ciidamo Milatari ah.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka qaraxa lagu weeraray ayaa dhaawacmay, waxaana qaraxaasi ka bad baaday dad shacab ah oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu qaaxu ka dhacay.

Magaalada Muqdisho oo bilihii lasoo dhaafay ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ayaa hada waxaa kusoo kordhaya qaraxyada miino ee wadooyinka dhinacooda lagu aaso iyo sidoo kale qaraxada gaadiidka hoosta looga xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo xalay weerar dhowr jihop ah kusoo qaaday degmo katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

Maamulka gobol ka tirsan Maraykanka oo madax furasho lacageed siinaya koox burcad ah

Caydiid Ali

Madaxweyne Yoon Suk Yeol oo saakay la xiray iyo dambiyada loo heesto oo la …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---