Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo safar u aaday dalka Qatar lana kulmaya Tamim bin Hamad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
 
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Dowladda Qadar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Safarkan Madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Qatar ayaa kusoo aadaya xilli doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka heer gebogebo ah mareyso lana filayo in bilaha soo aadan dalka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha.
Dowladda Qatar ayaana doorashadii hore maalgelisay Madaxweyne Farmaajo , lamana oga in mar kale sannadkan Qatar ay wadato Farmaajo iyo in kale, waxaana Qatar saameyn xooggan ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kuuriyada Waqooyi oo riday gantaal xili Xoghaye Blinken uu booqanayey..

Caydiid Ali

Donald Trump oo qaadaya 7 tallaabo oo qaarkood saameynaya Soomaalida

Cabdi Cade

Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Garawe (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---