Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aqalka Cad oo si adag uga hadlay Senator Mareykan ah oo ku baaqay in la dilo Madaxweyne Putin

Senator ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Lindsey Graham, ayaa ku baaqay in la dilo Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin si loo soo afjaro duulaanka Ruushka ku qaaday Ukraine.

Qoraal uu Senatorkan soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in xalka kaliya ee lagu soo afjari karo duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine ay tahay in qof ku sugan Ruushka in banaanka u soo saaro Madaxweyne Putin kaddibna dilo.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa si kulul uga hor yimid una dhaleeceeyay hadalkan kasoo yeeray Senatorka Mareykanka, waxaana Aqalka cad afhayeen u hadashay sheegtay in hadalkaasi uusan aheyn mid ka tarjumaya aragtida Mareykanka.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki , ayaa sheegtay in hadalkan kasoo yeeray Senator Lindsey uu yahay mid masuuliyad daro ah kana tarjumeyn mowqifka dowladda Mareykanka.

Dowladda Ruushka ayaana si weyn uga carrootay hadalkan kasoo yeeray senatorka katirsan Koongareeska Mareykanka, waxa ayna Ruushka ku eedeeyeen Senatorka Mareykanka mid abuuraya naceyb ka dhan ah Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo soo saaray warqad lagu baa’bi’inayo sharciyada loo sameystay dhulka….

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Walaahi waa bixinaynaa dowladda haddii aysan dulmiga joojin”

Caydiid Ali

Tacshiirad dhimasho sababtay oo lagu furay doon mareysay xeebta Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---