Doorashada Golaha Shacabka oo muddo sanad ka badan dib u dhacday ayaa mar kale dib loo dhigay ilaa March 15, 2022. Madax iyo shaqsiyad la rumeysan yahay inay masuul ka yihiin ama lug ku leeyihiin dibudhaca ayuu Maraykanka ku soo rogtay xannibaad dal-ku-gal (visa restrictions).
Ilaa hadda si rasmi ah looma baahin cidda ay saameyn doonto xannibaadda. Haseyeeshee, waxaa soo yeertay in dibudhaca doorashada uu saameyn doono dibuhabaynta siyaasadda dhaqaalaha iyo maaliyadda oo ay bartamaha sanad walba Dowladda Federalka Soomaaliya (DFS) iyo hay’adda “IMF” meel isla dhiggaan.
Inta ka horraysa May 17, 2022 haddii aan la helin xukuumad rasmi ah oo la macaamisha IMF-ta waxaa laga yaabaa, “inay joogsato taakulaynta hay’adda ku bixiso mushaarrada ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah,” ayay tiri Laura Jaramillo Mayor, oo ah madaxa hawlgalka IMF ee Soomaaliya.
Sanadkii tegay dalka oo filayay ilaa 170 malyan doolar ayaa helay 38 malyan keliya. Wixii ka dambeeyay August 2020, Soomaaliya waxay lumisay 130 malyan doolar oo sanad walba laga heli jiray Midowga Yurub kab miisaaniyadeed ahaan.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxman Ducaale Beyle oo hoos u dhigaya arrinka ayaa March 1, 2022 ku yiri Booliiska in wax loogu dari doono gunooyinka iyo raashinka, xilli DFS ay bil walba ka dhiman tahay 10 malyan doolar si loo bixiyo kharashka mudnaanta leh.
Hoos u dhaca miisaaniyadda ka sokow, doorasho la’aanta hoggaanka waxuu si ba’an u saamaynayaa geedi-socodka daynta cafiska. Soomaaliya oo ku jirtay duruufo adag ayaa ku tallaabsatay horumar la taaban karo xilligii Farmaajo-Kayre, dhaqangelisay dibuhabaynta dhinaca uruurinta canshuuraha iyo xakamaynta kharashka dowladda taasoo dayntii dhammayd 5.2 bilyan doolar (2018) ka dhigtay 3.9 bilyan.
Bartilmaameedku waxuu yahay in horraanta 2023 la gaarsiiyo 557 malyan ama qiyaastii 6% GDP. Yoolkaas waxuu dalka awood u siin doonaa soo jiidashada malgalinta tooska ah. Wax-soo-saarka guddaha (GDP) waxuu 2021 kordhay ilaa 2%, iyadoo la saadaalinayo in 2022 uu gaari doono 3.2%.
Soomaaliya ayaa February 13, 2020 kaddib noqotay dalkii 37aadoo loo oggolaado barnaamijka dayn cafinta dalalka saboolka ah “Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative.”
Walow, masiibada Covid-19, saamaynta ayaxa, iyo dagaalka ganacsiga ee Kenya ay dalka ku wada kulmeen, haddana kobaca dhaqaalaha waxaa qayb ka qaatay, xawaaladaha qurbajoogta kuwaas oo 2021 ka badnaa 2 bilyan doolar oo u dhiganta 28% GDP.
Waa kolkii saddexaad oo dalka gudihiisa laga abaabulo doorasho awoodaha – sharcidejinta iyo fulinta, si nabdoon la iskugu wareejinayo. Balse, dibudhaca doorashada aan hufnayn ayaa khatar ku ah horumar xoojinaysana in siyaasiyiinta Soomaaliya ay yihiin kuwo aan bislyn, xilli dalka ku habsatay abaar ba’an.
Source-Jamhuuriyada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=DzqDcCLIrZs