Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo soo bandhigtay liiska Musharaxiin loo qoray 16-ka kursi ee taalla Boosaaso

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa soo gudbiyay musharaxiinta u tartamaya 16-ka kursi ee degaan doorashadoodu tahay magaalada Boosaaso kuwaasoo la sheegay iney soo buuixiyeen shuruudaha musharaxnimo.

Deni oo la aaminsan yahay inuu yahay muharax Madaxweynaha Somaia inkastoo uusan ku dhawaaqin ayaa dhamaan kuraasta taalla Boosaaso u xiray shaqsiyaad uu isaga ku dhow mana jiri doonaan kuraas lagu loolami doono sida ay wararku sheegayaan.

Puntland ayaa ka reebtay inay sanadkaan u tartamaan Kuraasta Golaha Shacabka Wasiiro katirsan Xukuumadda Somalia ee taageeri jiray Villa Somalia.

Xubnaha la reebay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim & Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.

Kursi kasta waxaa ku qoran labo Musharax, waxaana soo baxaya magaca ku qoran Nambar 1, halka nambarka labaad uu yahay malxiis, HOOS KA AKHRISO LIISKA

https://www.youtube.com/watch?v=DzqDcCLIrZs

Related posts

Madaxweyne Deni oo xil sare u Magacaabay Jaamac Aadan X. Max’uud

Caydiid Ali

Weerar Khasaaro geestay oo toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiiro ka tirsan Itoobiya oo soo arkay gubashada Suuqa Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---