Wasiirka Maaliyadda Faransiiska ayaa sheegay inay la wareegeen Markab nooca Dalxiiska ah oo uu leeyahay Milyaneer Ruush ah.
Markabkaas oo taagnaa Dekadda Magaaladda La Ciotat ee dalka France.
Dhanka kale Jarmalka ayaa la wareegay Markab kale oo taagnaa Dekadda Hamburg, kaasoo uu leeyahay Milyaneerka Ruushka ah ee Oligarch Usmanov.
Markabkan ayaa Qiimihiisa lagu qiyaasay 600 milyan oo Euro.
Talaabaddan waxay daba socotaa Cunaqabataynta Midowga Yurub ku hayo Ruushka sababo la xiriira Dagaalka uu Ukraine kula jiro, arintan ayaana sii Cakiraysaa Xaaladda Ruushka iyo reer galbeedka oo sii kala fogaanaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com