Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Serbia Nikola Selakovic, iyagoo ka wada hadlay xaalada ardayda Sooaaliyeed ee ka soo qaxday dalka Ukrine iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Nikola Selakovic ayaa balanqaaday Soo dhoweynta iyo qaabilaada Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo cararay colaada Ukraine, isagoo xusay in horay uga sii wadan karaan Waxbarashadooda dalka Serbia.

Labada Wasiir ayaa ku heshiiyay inay horumariyaan xiriirka labo geesoodka ah ee soo jireenka ah iyo inay si dhow isaga kaashafaan arrimaha khuseeya labada dal.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Ukraine ay u heli lahaayeen soo dhoweyn iyo qaabilaad, iyadoo Wasiirkana xiriir joogto ah la sameynayay Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Bariga iyo bartamaha Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Fariin gaar ah u diray Qurba joogta Itoobiya

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaalada iyo duqeymaha culus ee ka socda Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Qodobada looga hadlayo shirka horumarinta Somalia ee Brussels oo faahfaahin laga bixiyey (Daawo Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---