Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Hungary, Mudane Péter Szijjártó.
Wasiir Cabdisaciid ayaa yiri ” waxaa ii farxad ah inaan la hadlo Mudane Péter Szijjártó, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Hungary oo ii damaanad qaaday in ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashadooda u hakatay qalalaasaha Ukraine la siin doono fursado waxbarashadooda ay uga sii wataan Jaamacadaha Hungary iyo deganaansho”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Waxa aan ku heshiinnay in si dhow ula socodsiiyo Wasiir Péter Szijjártó xaaladda ardayda Soomaaliyeed iyo arrimaha kale ee la xiriira. Waxa aan hiigsanaynaa inaan sare u qaadno , qota-dheereyno iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hungary”.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ah kula yeeshay maanta oo ah Arbaco Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Romania, Mudane Cornel Feruţă.
Wasiir Cabdisaciid ayaa yiri ” waxa aan wadahadal wanaagsan la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Romania Mudane Cornel Feruţă oo igu wargeliyay in Romania ay qaabishay 40 muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dhanka Ukraine, waxaana loo oggolaaday inay joogaan Romania”
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “waxa aan uga mahadceliyay Mudane Cornel Feruţă iyo dowladdiisa tallaabooyinka mahdinta leh iyo taageerada. Waxa aan ku heshiinnay inaan xoojinno xiriirkeena taariikhiga ah ee muddada dheer jiray iyo sii ambaqaadidda iskaashiga ku qotama howlaha dano wadaagga”.
Dalka Ukarine dagaalka ka socdo ayaa saameyn badan ku yeeshay arday badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi waxbarasho u joogay, kuwaa oo hada ka baxsaday intooda badan Ukraine kuna sugan dalal daris la ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=Es04y-YCFQo