Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay Liiska Masuuliyiinta Mareykanka kusoo rogay xayiraada Socdaalka

Dowladda Mareykanka ayaa dhawwaan shaacisay in cunaqabateyn dhinaca socdaalka ama viisaha kusoo rogtay Madax kala duwan oo katirsan dowladda federaalka, madaxda maamul goboleedyada , musharaxiin, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

Mareykanka oo diyaariyay magacyada xubnaha cunaqabateynta dhinaca socdaalka kusoo rogay ayaan wali si rasmi ah u shaacin, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in xubnaha xayiraada socdaalka la saaray qaarkood si hoose loogu sii sheegay.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay sii balaarisay dadka ay kusoo rogtay xanibaada socdaalka, waxaana lagu daray xubno hor leh ay ku jiraan masuuliyiin xilal haya, saraakiil ciidan, musharaxiin iyo Xildhibaano dooran.

Sida aan xoggaha ku helnay Mareykanka ayaana sii balaarinaya dadka uu xayiraada dhinaca socdaalka kusoo rogayo ee caqabada ku noqday doorashada dalka ,waxaana suurto gal ah in musharaxiinta qaar saameyn ku yeelato xanibaadan.

Mareykanka ayaa la filayaa in uu shaaciyo liiska masuuliyiinta uu kusoo rogay xayiraada dhinaca socdaalka marka doorashada lasoo gabagabeeyo bishan dhaxdeeda, waxaana hada cabsi badan lasoo daristay xubnaha liiska ku jira iyo kuwa ka cabsi qaba in lagu soo daro.

Dowladdo hor leh oo xiriir la leh Mareykanka ayaa sidoo kale la filayaa in iyana xayiraada dhinaca socdaalka kusoo rogaan dadka Mareykanka ugu shakisan yahay in caqabad ku noqdeen doorashada Soomaaliya si ciqaab looga dhigo.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka dib dhacday muddo sannad ka badan, waxaana eeda ugu horeesay loo jeediyay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo oo isku dayay in muddo kororsi sameeyo halkii uu doorasho waqtigeeda ku qaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Es04y-YCFQo

Related posts

Wax loo maleenayo in ay yihiin Drone ama gantaal oo kusoo dhacay degmada Taleex

Cabdi Cade

(Akhriso) Beesha caalamka oo War ka soo saartay talaabadii lagu ansixiyey dastuurka

Caydiid Ali

Walaalo ku dhintay qaraxyadii maanta iyo warbixino kale oo Murugo leh (Sawirro cusub)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---