Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddigii qiimeynta ee uu RW Rooble magacaabay oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Magaalada Kismaayo waxaa gaaray Guddoomiyaha Guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada Garbahaarey Cumar Maxamed Cabdulle (dhagey) iyo xubno ka tirsan guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT iyo wasiiro ka tirsan Jubaland ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha.

Cumar Maxamed Cabdulle iyo wafdigiisa waxaa qayb ka ahaa xubno kasocday Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Guddigan oo ay ka dhiman yihiin xubno kale ayaa lagu wadaa inay yimaadan Kismaayo maalinta barri ah, iyagoo kadib ambaqaadi doona howlaha horyaalla ee loo igmaday, waxayna qiimeyn ku sameyn doonaan degaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddiga qiimeynta xaaladda deegaan doorashada Labaad ee Jubbaland Garbahaarey waxaa dhawaan magacaabay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble siay u soo qiimeyaan in Garbahaarey Doorasho ka dhici karto iyo in kale.

Related posts

Magaaladii uu kasoo bilowday Caronavirus oo xayiraada laga qaaday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maamulka Madaxweyne Deni oo hal arrin ku fashilantay iyo cabasho taagan

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo ka baxday degaan muhiim ah & ciidamada dowlada oo kaabiga ku haya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---